Guddiga Amniga Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dadkii ku lugta lahaa Dibadbaxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho lagu wareejinayo xafiiska xeer ilaalinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo xubin ka ah Guddigaas ayaa sheegay in dadkii Taayarrada gubay iyo kuwa aan ahayn Bajaajleyda ee dibadbaxyada ku lugta lahaa lagu wareejinayo hay’adaha garsoorka.

Guddiga ayaa ka warbixiyay xaaladda amaanka ee Muqdisho, askarta dilalka geysatay iyo dibadbaxayaasha faraha badan ee la xir xiray intii uu socday Mudaharaadkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddigan ayaa waxaa magacaabay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya markii dhamaadkii March ilaa billowgii April ay qaraxyo joogto ah iyo weerarro ka dhaceen Caasimadda Muqdisho.