Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay xagaaga u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Granit Xhaka marka uu gurmo suuqa.

Granit Xhaka ayaa ka mid ah xidigaha ugu muhiim san kooxda Arsenal waana laacib ku wacan ka ciyaarista qadka dhexe.

Wargeyska Totosport ayaa ku waramaya in agaasimaha ciyaaraha kooxda Inter uu uso duulay magaalada London si uu ula kulmo wakiilka xidiga qadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Granit Xhaka.

Xhaka ayaa Arsenal uga soo biiray Borussia Monchengladbach bishii May ee sannadka 2016, wuxuuna u saftay 126 kulan tartamada oo dhan Gunners, isagoo dhaliyay 11 gool isla markaana uu caawiye ka ahaa  14 gool.

Sidoo kale xulkiisa Switzerland  ayuu u saftay 74-kulan oo caalami ah waxaana ka mid ahaa xidigihii matalay  xulkiisa Koobka Aduunka 2018.