Goolhaye Kepa ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu u doolay magaalada London si uu u dhameystiro ku biirida kooxda Chelsea oo ku qaadaneysa aduun dhan  80 milyan oo euro.

Lacagta buuxda ee lagu bur-burin karo heshiiska Goolhayaha da,yarka ah ayay kooxda chelsea bixin doontaa  waxana uu Kepa haatanba u soo duulay London si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Blues.

Xiddiga ayaa xitaa kulankiisa ugu horeeya ee kooxda chelsea u safan doona maalinta sabtida kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Huddersfield hadii uu ku biro kooxda.

Xiddiga ayaa diyaarad khaas ah u raacay  London si uu maalinta bari ah tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda ka hor inta uuna dhamaystirin heshiiskiisa.

Goolhayaha ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah isaga oo qaadan doona lacag ka badan inta uu haatan ka qaata Bilbao.