Sharikadda Google ayaa maanta u dabaal dageysa Sanadguurada 20aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay.

Sharikadda wax soo saarkeeda u badanyahay baaritasta Internerka ee Google ayaa waxaa ay soo saartaa 7 nooc oo badeeco kala duwan ah,waxaana rukunkeeda billaha ah uu ka badan yahay  hal Bilyan oo qoof.

Taariikhda rasmiga ah ee Google hawada soo gashay waxaa ka taagan dood ay qabaan kuwa Ganacsiga ku dhexjira,kuwaas oo aan iyaguna jawaan rasmi ah bixin Karin.

Sharikadda Google waxaa ay sheegtay in la sameeyay 4ta September,waxaana ay toban Sano ka hor u dabaaldegtay 27 September,taas oo shaki gelinsa waqtiga saxda ah ee sharikadda hawada la geliyay.

Google maanta waxaa ay leedahay tobanaan kun oo shaqaale ah,kuwaas oo kala jooga xarumaha kala duwan ee Caalamka,waxaana ay xafiisyo ku leedahay 60 Dal oo Caalamka ah.

Waxaa ay hadda qeyb ka tahay sharikadda Alphabet, oo la hirgeliyay sanadkii 2015kii,waxaase Bisha September si guud ugu dabaaldagtaa dhalashadeeda sharikadda Google.

Hadda waxaa Google hoggaamiya Sundar Pichai,waxaa sharikadda baarista ay sidoo kale leedahay Youtube,intii uu ninkan hoggaaminayay waxaa sare u kacay dakhliga Sharikaddan 23%, oo u dhiganta $23.3 Bilyan oo dollar afartii bilood ee ugu horreysay 2018.

Sharikadda Wadaayga la ah Google ee Alphabet ayaa sheegtay in dakhligeeda uu kordhay islamarkaana gaaray  $26.24 Bilyan oo dollar afartii bilood eek u ekeyd 30kii June 2018.

Warbixin lagu qoray Website-ka Google ayaa lagu sheegay in la sii horumarinayo sharikadda islamakraana la jebinayo sohdimaha iyada oo lagu dhaqaaqayo Tegnoljiyadda,waxaana hadda xoogga la saarayaa Robotyada.