Golaha Wakiilada Dowlada Goboleedka Puntland ayaa maanta dood ka yeeshay hanaanka loo ansixi doono Xukumada Cusub ee maamulka Puntland ee uu soo magacaabayo Madaxweyne Deni, ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay in golaha Wasiirada si wadajir ah loo ansixiyo.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee Garowe ayaa waxaa fadhiyay 53 mudane ayaa 26 xubnood oo ka mid ah u codeeyeen in Xukumada loo ansixiyo si wadar ,halka 24 halka ay diideen iyo ka aamustay.

Godoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdikariin Maxamed Axmed oo kulanka shir gudoomiaayay ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natijada ka soo baxday codaynta oo ah in wadajir loo ansixiyo Xukumada cusub ee Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni in uu dhawaan ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub kuwaas oo loo gudbi doono Baarlamaanka si ay u ansixiyaan ama u diinaan.