Golaha shacabka oo fadhiga xaruntooda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xaruntooda maanta ku yeeshay mid kamid ah kulamadoodii ugu waqtiga dheeraa oo ay ku hortageen Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga iyo Taliyaasha Ciidamada Dowladda.

Saxaafadda ayaa dibadjoog ka ahayd kulankaan, waxaana mas’uuliyiinta amniga la weydiinayay Xaaladda amniga, falalkii ugu dambeeyay ee Caasimadda ka dhacay iyo xeeladaha ay sameeyeen.

Xildhibaanada ayaa heystay daqiiqad oo ay kusoo koobayaan Su’aasha ay weydiinayaan Wasiirka amniga, Wasiirada Gaashaandhigga iyo taliyaasha Booliiska, Nabad sugidda, Militariga iyo Asluubta.

Mas’uuliyiinta su’aalaha la weydiinayay waxa ay fursat ahaan u heysteen in saddex daqiiqo ay ugu jawaabaan Xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdirasaaq Axmed Maxamed Jindi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee maanta fadhiga ka qaybgalay waxa uu Mustaqbal u sheegay in mas’uuliyiinta amniga ay horgeeyeen qodobo sugidda amniga ku saabsan.

Waxa uu intaa ku daray in faahfaahin dheer oo ku saabsan habka ay u sugayaan amniga iyo qorshooyinka ay u dajiyeen in ay la wadaageen Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdirsaaq ayaa sheegay in isla maanta kulanka lagu soo gaba-gabeeyay oo aan jiri doonin fadhi kale oo maalmaha soo socda ay markale ugu yeerayaan Mas’uuliyiinta amniga.

Xildhibaanada qaar ayaa mas’uuliyiinta amniga ku dhalilay in ay ka gaabiyeen sugidda amniga, qaarkood ayaa su’aalo adag weydiinayay, inkastoo saxaafadda aysan goobjoog ka ahayn.