Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose .

Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay in uu noqdo Ibrahim Adan Najax,kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee  Gobolkaasi Maxamed Ibraahim Barre.

Ibrahim Adan Cali Najax Mar horey u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa mar kale loo magacaabay isla xilkii.

 

Hoos ka aqriso wareegtada