Macalinkaan oo lagu magacaabo Jan kammann una dhashay dalka Jarmalka ayaa socdaal dal barasho ah ku soo maray dalal badan si uu bal wax uga soo ogaado dalalka ardada uu wax baro ay ka kala yimaadeen maadama ay ahaayeen ardada uu wax baro badankooda ajaanib.

Macalinkan ayaa fasax sanad ah u qaatay socodkiisa uu ku maray 5 qaaradood ee kala ah Europe, Asia, Latin America iyo Africa dalal ku kala yaala sid koofur kuuriya.

Macalinkan oo tagay dalka koofur kuuriya ayaa soo indha indheeyay dhamaan dhaqamada iyo cuntooyinka dadkaasi isticmaalaan.

Kammann at a cooking class in South Korea
Mar uu qado la qaadanayay qoysad ay ka soo jeedaan ardadiis Wadanka Koofur Afrika.

Kuuba waa dalka ka mid ahaa dalalka uu macalinkani tagay Markii uu tagay dalka Kuuba waxaa isku soo beeg may dhimashadii madax weynihii hore ee Kuuba Fidel Castro Kaas oo uu marar badan ka maqli jirey warbaahinta caalamka.

Waxa uuna goob joog u ahaa qaabka iyo dareenka dadka dalkaasi ee dhimashada Fidel Kastaro Madaxweynihii hore Kuuba.

Mar uu Kuuba uu joogay Macalinku.

Wadamada Afrika ee uu tagay waxaa kamid ahaa dalka Ghana waxa uuna ku soo arkay qaabka ay wax u bartaan caruurta dalkaasi iyo waliba waxa uu si gooni ah u soo arkay caruur aan wax waxbarasho toos ah heysan ee kaliya ku tiirsan hay’ado wax ka bixiya.

Wadanka Gaana.