Madaxda Maamulada Koofur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Garoowe, waxaa maanta la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo kulamada gaar gaar ah ee tan iyo shalay ka socday Magaaladaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Labadii Madaxweyne ee Xilka kaga horeysay, Saddexdii Madaxweyne ee Puntland ugu isaga kala dambeysay iyo Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed ayuu gaar u yahay fadhiyadaan.

Ilaa hadda waxyaabaha lagu heshiiyay ama lagu iclaamiyay waxaa kamid ah in Dowladda Federaalka ay Magaalada Muqdisho ku marti-geliso Shirweyne ay isugu imaanayaan dhinacyadaan.

Xalay Magaalada Garoowe waxaa loogu sameeyay kulan Casho ah oo u muuqda in lagu soo gaba-gabeynayo kulamada saacadaha badan qaatay, laguna soo sagootinayay Madaxdaan oo kolkii hore u tagtay ka qaybgalka Caleemo saarka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland.

Khudbadihii ay jeediyeen Madaxdaan iyo kulamadii kahor Xafladda Caleemo saarka uu la qaatay Madaxweyne Deni ayaa sabab looga dhigay in isku soo dhowaantaan ay ka dhalatay.

Inkasta oo aan jirin war laga soo saaray kulamada, hayeeshee wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Kuwa Maamul Goboleedyada ay isaga soo dhawaadeen sidii ay ahaayeen kahor kulanka.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, waxaa yaraaday Xiriirka ay la wadaagaan Dowladda Federaalka, balse waxaa isbadal ku yimid markii Madaxweyne Waare uu heshiis la galay Dowladda dhexe.

Waxaa la wada dhowrayaa kulamadaan waxyaabaha ay ka badalaan ama kusoo kordhiyaan Xiriir Xumada ka dhex jirta Dhinacyadaan kulamada u socda.