Nuur Dheere

Dalka Koofur Afrika waxaa xalay lagu dilay Muwaaddin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaalida ee ka shaqeysta Dalka Koofur Afrika.

Dilka Muwaaddinkan oo lagu magacaabayay Nuur Dheere ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Johannesburg  ee Dalka Koofur Afrika.

Nuur ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday weerar ay Goobtiisa ganacsi ugu geysteen Burcadda Koofur Afrikaanka ah iyaga oo horay u dhaawacay.

Nuur ayaa ka mid noqday Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah ugu baxa gacmaha burcadda Koofur Afrika ee boobka ku haya dadka Ajannabiga ah.