Ku aaminida iyo ku kalsoonaanta sirtaada. 

Wuu ogyahay sirtaada oo dhan adigana waad u sheegtaa dhamaan, Waxaad sidaa u saneyneysaa in aad ku kalsoon tahay inta qof lagu kalsoonaan karo.

  1. Ma rabtid in uu isbadalo. 

Waxa aad ku jeceshahay kuna xushmeysaa ama raali ugu tahay sida uu isagu yahay mana rabtid in uu isbadalo waana laga yaaba waxyaabo aan habooneyn in uu leeyahay lakiin sidaa uu yahay ayaad wali ku jeceshahay.

  1. Nafsadaada sida ay tahay ayaad kula dhaqantaa.

Markii aad wada joogtaan uma muuji neysid dabeecadu iska yeel yeel ah ee waxaad hubta in uu ku qanac san yahay dabeecadahada dhabta ah.

  1. Is ag joogiina ayaa kula weyn. 

Xitaa hadii aadan markaa isla sheekeysaneyn waxaad ku qanacsan tihiin in aad iska ag dhawaatan oo aad is eegataan si xushmad ka muuqato.

  1. Markasta daacad ayaad u tahay. 

Waxaa laga yaabaa in qaladaad uu kaa dhoco lakiin kama cabsaneysid in aad isaga u sheegto ama la wadaagto, isaguna wuxuu kugu tix galinayaa daacad nimadaas.

  1. Xornimo ayaad daremeysaa waayo kuma jajuubo 

Ma dareemayo in aad xoriyad daro ku heyso isna kuma xoriyad tirayo waayo xornimada waa sheyga ka dhigaya xariirka mid adag.

  1. Kama baqaneysid in aad isku go’aan noqon weysaan. 

Labadiina midba midka kale wuxuu tix galinayaa aragtida midka kale iyo sida uu wax u arko.

  1. Waxaad isla xalisan dhibatoyinka.

Markii ay timaado dhibaato adinka oo aysan dhibtaa idinku sababin colaad iyo kala tag ayaad dhibta xal u wada raadisaan.

  1. Mustaqbalka waad isla odorostaan. 

Maka aad ka fakareysaan mustaqbalka waad isla eegtan kamana fakareysid mustaqbal uu isagu ka maqan yahay .

  1. Wali waad wada jirtaan caqabo badan kadib.

Caqabadaha iyo isqabashada lamaanuhu waa wax soo jireen ah nolosha lakiin marka ay yimaadan is fahan daradu kama dhigto xariirkiina mid go’a.

Mustaqbal Radio.

Isha WAKE UP.