Ganacsade da’yar ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa iskaga tagay gaarigiisa qaaliga ah oo jooga in kabadan $270,000 kun oo doolar kadib markii uu god hoose oo wadada geeskeeda ah uga dhacay.

Waxa uu ahaa gawaarida quruxda badan ee raaxada waxa uuna damaashaad iyo raaxo ku marayay wadada lakiin si lama filaan ah ayuu gaarigii wada uga baxay isaga oo ku dhacay meel Gud ah oo wadada gees keeda ah.

Booliska oo meesha gaaray ayaa sheegey in ay arkeen gaariga oo cidlo ah qofna aysan ku jirin sidoo kalana aysan muuqan cid ay wax ka soo gaareen.

The car, pictured, is owned by  Michael Hudson, owner of cryptocurrency market advisory firm Bitstocks
Sawirada Gaariga laga soo gaaday siga oo gud ku jira.

Ninkaan qaniga ah oo lagu magacaabo Hudsan ayaa wacay saxiibkiis oo meesha ka ag dhawaaa waxa uuna u sheegey in gaarigii uu meel ka galay uuna iskaga soo tagay waxa uuna ka codsaday in uu u doono.

Saxiibkii oo ahaa ciyaaryahan ayaa ku war galiyay shirkad xanaaneysa agabka ciyaar yahanka xaalada gaariga si gudka looga soo saaro.

Isha Dailymail.