Maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday,  eedaysane lagu magacaabo, Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi Axmed, kadib markii lagu helay in uu kufsaday Farax Jaamac Faarax oo da’deeda lagu sheegay 9 sano jir.

Sidoo kale, Eedaysane Mukhtaar ayaa lagu xukumay  in uu bixiyo $5000 Dollar oo magdhow loo siinayo gabadha uu kufsaday, taasi oo maxkamaddu sheegtay in ay u dhiganto meher, maadaama uu gabarnimadeeda waxyeelay.

Maxkamadda ayaa caddaysay in Mukhtaar uu la noolyahay cudurka HIV/AIDS, uuna dawo ka qaadan jiray xarumaha caafimaadka.

Xukmanaha ayaa haysta mudda 30 cisha oo uu rafcaan ku qaadan karo, sida ay sheegtay maxkmadda.