Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa sheegaya in maanta Gaadiidlayda Magaalada ay ka sameeyeen isku soo bax ay ugu Cabanayaan qiimaha Lacagta ee lagu bixinayo Aqoonsiyada Gaadiidka taas oo Wasaarada Gaadiidku Wado dhaqangalintiisa.

Gaadiidleyda ayaa ku doodaya in Qiimaha Lacageeed ee ku kacaya habka diiwaan galintan uu Gaarayo ku dhowaad $300 taas oo ay sheegeen in aysan awoodin bixinteed, Gudiyo ay gaadiidleydu sameysatey ayaa dhowr jeer madaxda la kulmey iyaga oo muujinaya culeeska lacageed iyo Taargada oo aan ka Shaqeynayn qeybo kamida deegaanada Galmudug sida ay sheegeen gaadiidlaydu.

Image may contain: 13 people, people smiling, people standing and outdoor
Qaar ka mida wadayaasha Gaadiidka Tax yaasha ee ka shaqeeya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ee oo ka cabanaya lacag laga lagu soo rogay.

Gaadiidleyda ayaa Isku soo bax Amni ka ka sameeyay Garoonka ciyaaraha ee Dhuusamareeb halkaa oo cabashadooda ay ka soo Jeediyeen waxaana Guuldaro ku soo Dhamaadey kulamo horay ay ula qaateen wasaaradaha Maaliyada iyo Gaadiidka Maamulka Galmudug.

Image may contain: cloud, sky, car and outdoor
Gaadiidlayda oo Afaafka hore ee Xarunto Degmada Dhuusamareeb ka sameeyay Dibad bax ay dalbanaayan in Cabashooda wax laga qabto.

Wasaaradaha Maaliyada iyo gaadiidka ayaa dhankooda ku adkaysanaya In la bilaabayo nidaamkan Maaliyadeed halka gaadiidleydu ay sheegeen in aysan bixin karin lacagtaan iyaga oo dalbaday in lacagtaan dib loogu laabto.

Gaadiidlayda isku soo baxa maanta ka sameeyay Dhuusamareeb ayaa Sidoo kale waxa ay dalbadeen in ay soo faragaliyaan arintaan Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.

Image may contain: 6 people, people smiling, outdoor
qaad kamida Gaadiidlayda oo warbaahinta la hadlay iyaga oo kacabanay lagacta ay sheegeen in aysan bixin karin oo laga doonayo.

Wasaaradaha Gaadiidka iyo Maaliyada Maamulka Galmudug oo aan isku daynay in aan la xariirno ayaan noo soo suuta galin si aan wax ugu weydiino Cabashada ay qabaan Gaadiidlayda ka shaqeysa Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Image may contain: car, sky, cloud and outdoor
Gaadiidka Taxdaya oo lasoo dhigay afaafka hore ee Xarunta dagmada.

wadayaasha Gaadiidka ayaa Shaki Galiyey halka ay ka shaqeyn doonto Taargada iyo Leysinka Gaadiidka ee la bixinayo Maadaama qilaafka siyaasadeed ee Galmudug ka jiraa uu kala xirxiray nidaamka Maamul ee Magaalooyinka Galmudug.