Senetor C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isalwasaarahaba in xal kama dambeys ah laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira maamul Goboleedka Galmudug.

Mr Faroole oo ka hadlayay Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Putland ayaa sheegay in Madaxwyenaha iyo Ra’isalwasaaraha ay ka soo jeedaan Maamul Goboleedka Galmudug loona baahanyahay in ay iyagu dhameeyaan khilaafka ka jira Galmudug.

Bidix: Madaxweyaha DFS: Mudane Maxamed farmaajo, Dhexda: Madaxweynaha dowladgoboleedka Puntland mudane Siciid Clahi. Midig: madaxweyne kuxigeenka DG Puntland Karaash

Waxaa uu Faroole sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in arrintaas ay kaalinteeda ka qaadato maaddaama ay deris la tahay Galmudug.

C/Raxmaan Faroole dhinaca kale siyaasiyiinta mucaaridka ah ugu baaqay in ay yareeyaan buuqa faraha badan sida uu hadalka u dhigay,waxaana uu ku baaqay in ay siyaasiyiinta da’da ah ku xirmaan ama sugaan inta nidaamka axsaabta badan laga gaarayo.