Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Adis ababa.

Kulanka labada Hoggaamiye ayaa waxaa ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinaca dhaqaalaha,amaanka,wada shaqeynta iyo xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee labada waddan.

Madaxweynaha Somaliya iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Xafiiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in qodobada ay ka wada hadleen ay ka mid tahay sidii loo fulin lahaa heshiisyadii ay labada hoggaamiye ku galeen Muqdisho iyo Baxardaar.

Sidoo kale labada Hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca nabadda ee Gobolka Geeska Afrika.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Ra’isalwasaaraha Itoobiya uga mahad celiyay taageerada dhinaca amaanka ah ee dowladda Itoobiya siiso Soomaaliya.