Barcelona ayaa si dhib yar u garaacday Inter Milan laba todobaad ka hor kulan ka dhacay Camp Nou waxana ay haatan si aad ah ugu dhawadahay in ay u soo baxdo wareega 16-ka ee tartanka champions Leageu.

Blaugrana ayaa badisay 3-dii kulan ee ay ciyaartay wareega Group-yada waxana ay leedahay 9 dhibcood iyaga oo kaliya guul u baahan in ay xaqiiqsadaan booskooda wareega xiga.

Dhanka kale Inter Milan ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u gaari lahayd guul ka caawisa in ay rajo ka yeelato u soo bixitaanka wareega 16-ka tartanka.

Xogta Kulanka:

Inter Milan Vs Barcelona

Tartan: Champions League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: San Siro

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Labada kooxood ee Inter Milan iyo Barcelona ayaa kulmi doona markii 8-aad ee taariikhdooda tartamada yurub kulanka ka dhici doona San Siro.

kooxda Barcelona ayaa badisay 4 kulan halka ay 2 kulan bar-baro galeen hal guuldarana kala kulantay kooxda Inter Milan ilaa haatan.

Si kasta ha ahaatee taageeryaasha Barcelona ayaa xasuusan habeenkii xanuunka badnayd ee 8 sano ka hor markaas oo ay Inter Milan guul 1/0 ah kaga gaadhay kooxdooda kulan ka dhacay Camp Nou kaas oo Inter geeyay finalka.

Inter Milan ayaa kulankii lugtii hore ku badisay 3/1 kulan ka dhacay San Siro kadib gaadhay finalka xilli markaas ahayd markii ugu dambaysay ee ay Barcelona booqatay San Siro champions League