Golaha shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay Fiidkii loo diray Wargelin ku saabsan in Maanta oo sabti ah, kuna beegan 12-ka Janaayo 2019-ka uu jiro fadhigooda todobaadkii saddexda cishe ay yeeshaan.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo ballamiyay labo ajende oo kala:

  1. U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud.
  2. Xeer Maamul Bankiga dhexe.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa saacado kadib loo diray Fariin kale oo lagu wargelinayo in uu dib loo dhigay kulankoodii maanta, loona badalay Isniinta oo ku beegan 14-ka Janaayo 2019.

Sababta dib u dhigga laguma sheegin wargelinta, balse waxaa xildhibaanada maqan la faray in si deg deg ah ay usoo galaan, waxaana arrintaan loo fahmi karaa in aan kooramka dhameen, maadaama xildhibaanada qaar ay maqan yihiin.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in lasoo xirayo Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Tobonaad, si ay u galaan Fasax kahor inta aan u furmin fadhiga 5-aad.

Golaha shacabka ayaa shira maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, halka Guddiga Joogtada ah ay kulmaan Maalinta Khamiista.