Sharikadda Facebook ayaa muddo 24 saac ah xayiraad saartay koontada Facebook ee wiilka Ra’isalwasaaraha Israel Yair Netanyahu.

Wiilkan ayaa boggiisa Facebook ku qoray in la qarxiyo Falastiiniyiinta sidoo kalena dadka Muslimiinta ah ay ka baxaan Israel.

“M ogtihii  Sababta Iceland iyo Japan uusan qarax uga dhicin, ma joogaan Muslimiin”, ayuu ku qoray Bartiisa Facebook.

Waxaa kale oo uu yiri “waxaan soo jeedinayaa in dhamaan dadka Yuhuudda ah ka baxaan Israel ama dadka Muslimiinta ah, midda 2aad ayaan doorbidayaa,waana in ay baxaan Muslmiinta”.

Sawir ayuu qaaday qoraalkiisa markii inta aysan tirin Facebook,waxaa uu la tagay Twitter halkaas oo uu ku aflagaadeeyya Faceboo isaga oo ku sifeeyay kali talis diiddan xorriyadda hadalka.

Facebook ayaa horay u xirtay koontooyinka dad ka badan 200 Qof oo Reer Falastiin ah kuwaas oo lagu qoryay hadallo ka dhan ah Israel.

Wariyayaasha iyo dadka u dhaq dhaqaaqa xorriyadda Falastiin ayaa baraha bulshada ku dhaliilay habka ay uga aamusaan waxyeellada Israel iyo sida ay u difaacaan marka wax laga sheego.

Bishii April hay’adda 7amleh, ayaa qortay in Facebook ay aqbashay in 87% waxyaabaha ka dhanka ah Israel ay tirtirto codsigaas oo dhinaca Maamulka Israel uga yimid Facebook.