Sharikadda Facebook oo todobaadkii la soo dhaafay u dabaaldegtay sanadguuradeedii 15aad ayaa shaacisay in ay qaadaneyso shaqaale cusub oo ka shaqeynaya Nairobi Kenya.

Shaqaalaha ka shaqeynaya Xafiiska Nairobi ay ka fureyso ayaa u kala dhashay Kenya,Soomaaliya Itoobiya iyo kuwo kale.

Facebook waxaa ay sheegtay in shaqaalaha ay qaadaneyso ay tiradoodu gaarayaan 100 Qof kuwaas oo ka sahqeyn doona qeybta dib u eegista waxyaabaha lagu baahiyo Facebook.

Shaqaalaha cusub waxaa ay ka shaqeyn doonaan dib u eegista waxyaabaha ku qoran Luuqadaha Sawaaxiliga,Soomaaliga,Afka Oromada, Howsaha iyo kuwo kale.

Agaasimaha Siyaasadda arrimaha Bulshada Facebook ee Bariga Afrika, Ebele Okobi,, ayaa sheegay in arrintan ay oga gol leeyihiin sidii loo yareyn lahaa wararka been abuurka ah,kuwa dhibaya dareenka ee la baahiyo iyo si looga hortago dhacdooyinka jebinaya siyaasadda Facebook.

Facebook oo sharikad dhinaca arrimaha Bulshada ah waxaa la aas aasay sanadkii 2004tii waxaana aas aasay Zuckerberg, oo dhiganayay Jaamacadda  Harvard College iyo Ardeydii ay isku qolka degganaayeen oo kala ah; roommates Eduardo Saverin, Andrew McCollum, Dustin Moskovitz, iyo Chris Hughes.