Sharikadda Facebook ayaa sheegtay in ay cillad soo wajahday saddexda Aaladood ee Baraha Bulshada ee kala ah Facebook, Instagram, iyo WhatsApp.

Dadka ku nool Europe, Mareykanka iyo Malaysia ayaan heli karin adeegyadan,waxaa kale oo jira saameyn ay ku yeesheen Qaaradaha kale sida Aasiya iyo Afrika.

Cilladdan lama sheegin ilaa hadda waxa sababay hayeeshee Facebook,waxaa ay sheegtay in kooxdeeda qaabilsan cillad bixinta ay ku howllanyihiin sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadan oo dad ka badan 4 Bilyan ay ku xiranyihiin isku darkooda.