Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xaruta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Galabta uu qarax ka dhacay Xaafadda Kooshin.

Qaraxa ayaa ahaa Miino la dhigay afaafka hore ee Guriga Taliyaha Ciidamada Asluubta Gobolka Hiiraan.

Inta la Xaqiijiyay saddex askari oo  ilaalo u ahayd taliyaha ayaa dhaawac soo gaaray, waxaana qaarkood la geeyay Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Baladweyne.

Ciidamo katirsan Booliiska Gobolka Hiiraan oo goobta tagay ayaa sameeyay howlgalo ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan qaraxa.

Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Baladweyne waxaa Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog-fog laga hago lahor dhigayay Xaafadaha Mas’uuliyiinta Gobolka.