Kooxda Everton ayaa lagu soo waramayaa inay shaacisay qiimaha ay ku fasaxeyso dhaliyaheeda reer Prazil Richarlison.

21 jirkaan ayaa wacdarro ka dhigay Toffees isagoo dhaliyay 11 gool 28 kulan oo uu saftay, halka sidoo kale seddex jeer uu shabaqa soo taabtay xulkiisa Brazil lixdii kulan ee ugu dambeysay.

Dhaliyahan ayaa aad looga doonayay suuqii jilaalka waxaana uu diirada u saarnaa kooxo dhowr ah oo ay Chelsea ka mid tahay.

Balse ugu dambeyn kooxda Everton ayaa shaacisay qiimaha ay ku dooneyso dhaliyahooda hadii ay ii binayaan waana 80-milyan qiimaha ay ku fasaxayaan.