Kooxda Everton ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaw dahay saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe ee Barcelona Andre Gomes ka hor inta uusan xirmin suuqa.

25 jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu ciyaaro xilli ciyaareedkii hore, xilli uu xilli ciyaareedkii hore ku guuleystay horyaalka la liga, isagoo keliya lix kulan ka soo muuqday horyaalka La Liga, islamarkaana uusan ku qanacsaneyn kursiga keedka.

Kooxo dhowr ah ayaa waxaa lala xiriirinayay xagaaga, sida Arsenal, Chelsea, Tottenham Hotspur, Wolverhampton Wanderers iyo Valencia, inkastoo dalab rasmi ah oo udhaxeeya tababaraha reer Portugal uusan weli sameynin balse Everton ayaa ugu dhaw.

Sida laga soo xigtay jariiradda The Sun, kooxda Toffees ayaa haatan qorsheyneysa  inay Gomes ka dhigto qeyb ka mid ah heshiiska ay kula soo wareegayo Jerry Mina.

Everton ayaa sidoo kale la filayaa inay dhameystirto saxiixa ciyaaryahankii hore ee Shakhtar Donetsk Bernard, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here