Dowladda UK ayaa sheegtay in Eeyaha Dalkaas loo tababaray in ay uriyaan Cudurka Duumada (Malaria),taas oo ay sheegeen in ay wax badan ka qaban karto la dagaallanka Cudurka.

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article13501669.ece/ALTERNATES/s615b/

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in Boqolaal Eeyo ah loo tababaray in ay Uriyaan Cudurkan si loo bad baadiyo Nafta Malaayiin reer UK ah sida ay sheegtay Dowladda.

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article13501697.ece/ALTERNATES/s615/

Prof Steve Lindsay, ayaa sheegay in Eeyaha ay ka qeybqaadan karaan in Duumada aysan ku fidin Waddamada looga dhawaaqay in ay ka xoroobeen sidoo kalena dad badan oo aan is ogeyn in ay cudurkan qabaan Eeyaha u sheegi karaan.

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article13501695.ece/ALTERNATES/s615b/

175, oo Carruur ku nool Gambia ayaa laga baaray Cudurka Duumada iyada oo la adeegsanayo Eeyaha waxaana ay ka heleen 30 ka mid ah Carruurtaas sida uu sheegay Mac-hadka Milton Keynes charity Medical Detection ee UK iyo Gambia, Dhaqaatiir ka socota maamulaan.https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article13501672.ece/ALTERNATES/s615b/

Baaritaankooda waxaa ay ku heleen in 70% Cudurkaas ay qabaan dadka halka Bakteeriyada dhalisana ay awood u leeyihiin ay ogaadaan 90%,sida lagu sheegay warbixinta.

Isha: The Mirror