Diyaarado dagaal ayaa la xaqiijiyay in xalay ay duqeyn ka geysteen meel duleedka ka ah Magaalada Afgooye ee Goolka Shabeellaha hoose.

Dadka degaanka ayaa ku warramay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen madaafiic ku dhacday Beer ku taalla duleedka Afgooye.

Beerta ay duqeynta ka dhacday ayaa lagu tuhmayaa in ay ku suganyihiin xubno ka tirsan Al-shabaab waana markii labaad oo Beertaas la duqeeyo.

Gooboogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta Madaafiicda xalay lagu garaacay Beertaas iyada oo ilaa hadda aan la sheegin khasaaraha ka dhashay.

La soco wixii ku soo krodha