Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaarado ay leedahay Dowladda Kenya ay duqeyeen deegaan lagu magacaabo Waraha kukume oo u dhaxeeya Degmada Ceelwaaq iyo Buusaar.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta lala eegtay Afar Xarumood oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Deegaankaan u dhaxeeya Ceelwaaq iyo Buusaar.

Waxa ay saraakiisha tilmaameen in uu jiro Khasaare gaaray Al-Shabaab inkasta oo aysan soo bandhigin inta uu gaarsiisan yahay.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay wadaan Baarista khasaaraha ka dhashay inta uu gaarsiisan yahay.

Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Xareed oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in aan jirin waxyeelo gaartay Dadka deegaanka.

Waxa uu tilmaamay in ay wadaan baaris, isaga oo sheegay in dadka deegaanka ay ka carareen Guryahadooda kolka duqeynta ay bilaabatay.

Deegaanka duqeynta ka dhacday ayuu sheegay in dhaqdhaqaaqa dadka ay xadideen Xarakada Al-Shabaab, balse natiijada baaristooda ay dib kasoo sheegi doonaan.

Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer duqeymo diyaaradeed ka geystay qaybo kamid ah Jubbaland, waxa ay sheegtaa in ay ku disho xubno katirsan Al-Shabaab, waxaana marar badan lagu eedeeyay in gantaalada ay tuuraan ay waxyeeso dad u badan reer miyi.

Al-Shabaab iyo Kenya wali kama aan hadlin duqeyntaan diyaaradeed ee ka dhacday deegaankaan u dhaxeeya Ceelwaaq iyo Buusaar.