Buugga تجربة المحاكم الأسلامية ee Dr Cumar Iimaan Abuubakar

Horraantii 1991 Rag katirsanaa Ururkii Al Itixaad kana mid ahaa culimada ugu waaweyn ayaa  kaddib dhismaha dowladdii madaxweyne Cali Mahdi Maxamed waxa ay u tageen Ahun Sheekh Maxamed Macalin, waxa ayna ka codsadeen in uu horseed u noqdo dhismaha maxkamad iyo ciidan iyada oo aan xukuumadda iyo madaxweyne Cali Mahdi waxba laga weydiin.

Sheekh Maxamed Macalin ayaa raggii u tegey waxa uu weydiiyey ujeedka kadambeeya soo jeedintooda, waxa ayna katuseen meel macquul ah oo Shiikh Maxamed Macalin la noqotay mid suuragal ah,  waxa ay u sheegeen in hantidii dowladda la boobayo sidaas awgeed ay doonayaan in la helo maxkamad iyo ciidan illaaliya hantidaas inta laga helayo dowlad illaashata.

Qorshaha Maxkamadda iyo dhismaha ciidanku waaba diyaarsanaa ee Shiikha ayay doonayeen in ay adeegsadaan, Sheekh Maxamed howshii waa aqbalay waana ku dhaqaaqay, oo keli ah waxa ay rabeen in ay magaciisa adeegsadaan maaddaama uu karaamo iyo xushmad kudhex lahaa bulshada illaa xilligii xukunkii Kacaanka.

Ragga katirsan Al Itixaad waxa ay wateen dhisidda maxkamad lagu magaaco Horeed balse  waxa ay aad uga cabsanayeen Guddoomiyihii USC Sarreeye Gaas Maxamed Faarax Caydiid oo ay tuhmayeen in aan laga dhaadhicin Karin dhismaha ciidan aan gacantiisa kujirin, waxa ay go’aansadeen in ay u tagaan Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed kana dhaadhiciyaan dhismaha Maxkamad iyo ciidan sida ay ku doodayaan illaaliya hantida dowladda.

Madaxweyne Cali Mahdi waa fahmay ujeedka kooxdan iyo in ay isku aaddinayana dad magac leh, isaga oo aan degdegin ayuu weydiiyey bal in soojeedintoodu ay taagan tahay oo keli ah aragti iyo in ay mar hore diyaarsadeen qorshaha oo ay isaga ka rabaan in uu fasax siiyo?

Maaddaama howshu Qarsoodi ahayd su’aashaas si looga jawaabo waa adkaatay, balse waxa loo sheegay in ciidanku diyaarsan yahay, maxkamadduna dhisan tahay magaceeduna yahay Maxkamadda ISlaamiga ah ee Horseed!, madaxweyne Cali Mahdi waxa uu Sheekh Maxamed Macalin oo ay hormuud kadhigteen kacodsaday in si dhaqsi ah awooddaas loo kaladiro lagana noqdo dhismaha maxkamad aan gacanta xukuumadda kujirin, waxa uuna ku qanciyey Sheekhii in uusan horseedin kalaqaybsanaan kabadan midda xilligaas taagan, maaddaama aanay kajiri Karin caasimadda laba awoodood oo labaduba wada sharciyad leh.

Sheekh Maxamed Macalin soo jeedintii madaxweynaha waa aqbalay, islamrkiina waxa uu u sheegay madaxweyne Cali Mahdi in uu qaatay soojeedintiisa iyo hadba sidii uu rabo in uu wax u maamulo mar haddi isagu yahay madaxweyne kmg ah.

Raggii katirsanaa ururka Al Itixaadka hadalka madaxweynuhu kuma duxun, aad ayayna uga xumaadeen sida fudud ee Sheekh Maxamed Macalin ugu dheg raariciyey soojeedinta madaxweyne Cali Mahdi, sidaas awgeed iyaga oo isku hallaeynaya awoodda ciidan ee ay haystaan ayay dhallinyaro ay soo qabqabteen waxa ay ku eedeeyeen in ay dhac iyo boob geysteen, keeneen meel fagaare aha ayay isugu keeneen waxa ayna codbaahieyaal ku ogeysiiyeen dadweynaha in daawashada xukunkaas loo soo baxo,  iyaga oo raba in sida ay shaaciyeen ay xadduud iyo xukun ku oogaan.

Warkii waxa uu gaaray Jeneral Caydiid, waxaana lagu wargeliyey in xukun xad ah laga fulinayo caasimadda oo ay fulinayaan madax katirsan Al Itixaad, ciidan ayuu u diray waxaana lakala eryey  madaxdii Al Itixaad iyo maxkamaddii ay doonayeen in ay ku soo fuulaan saaxada siyaasadda, kaddibna waxa la siidaayey dhallinyaro u xirnayd oo ay doonayeen in ay xukun gacmo iyo luga goyn ah ku ridaan.

Arrinta iga yaabisay ayaa ah in Dr Cumar Iimaan uu kuqoray Buuggiisa Tijaabadii Maxkamadaha midoobay guul iyo guuldarro aflagaaddo iyo meel kadhac kadhan ah madaxweyne Cali Mahdi, isaga oo ka xanaaqsan go’aankii uu madaxweynuhu kuweydiistay in lakala diro ciidankii uu ururku xilligaas u diyaarsaday  maxkamad uu doonayey in uu Xamar ku xukumo.

Bogga 61aad ee Buugga Tijaabadii Maxkamadaha midoobay guul iyo guuldarro waxa uu ku qoray Dr Cumar iimaan Su’aal ah  Waa kuma Cali Mahdi

Isaga oo su’aashaas kajawaabayana waxa uu yiri:

Cali Mahdi waxa uu kadhashay Qabiilka Abgaal, waa todobaatan jir aan siyaasadda ka aqoon wax aan magaceeda ahayn, madaxtinimadana aan ka garanayn wax aan ahayn dharka iyo lebiska, maamulka iyo maareyntana aan k afahmsanayn wax aan ahayn in uu dad qaabilo, Aqoontiisu waa Talyaani iyada ayuuna ku eegayaa adduunka, waxa uu neceb yahay guud ahaanba Islaamka.

Shacabku waa ku sirmay isaga oo sugayey muddo dheer isaga oo filayey in uu dalka samatabiixn karo, Cali isaga oo taag-daran ayuu kahortegey Jeneral Caydiid oo xoog badnaa balse hungurigiisu uusan xad lahayn qorshihiisuna uusan dhammaad lahyan.

Haddii Dr Cumar Iimaan Abuubakar oo katirsanaa madaxda Ururkii Xisbul Islaam uu 17 sano kahor xilliga uu qoray Buuggan uu aaminsanaa in iyada oo siyaasad la isku hayo haddana dhinaca Diinta iyo ISlaamka loo maro oo uu qabay in mar haddii uu madaxweyne Cai Mahdi diiday soojedintii Al Itixaad ee ahayd in ay maxkamad furtaan uu yahay nin neceb Mashruuca Islaamka isweydii sida uu u arko qofkii ka aragti duwan!

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Dersa Sharciga, Qaanuunka & Warbaahinta