Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa qaar ka mid ah shaqaalaha sharikaddaasi ee ka holwgala Dekadda Berbera ku amartay in ay qaataan Baasaboorka Soomaaliya.

Shaqaalahan ayaa loo wadaa tababar ay ku soo qaadanayaan dalka Imaaraadka Carabta sida ay sheegtay Faadumo Siciid Ibraahim oo ah la taliyaha arrimaha dibadda ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Shir jaraa’id oo ay ku qabatay ¬†Magaalada Hargeysa ayey ka sheegtay in shaqaalaha loo wado tababarka ee Imaaraadka aadaya lagu amray in ay qaataan Baasaboorka Soomaaliya..

Waxaa ay sheegtay in shaqaalaha la faray in ay Baasaboorka ka doontaan Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Faadumo Siciid Ibraahim ayaa aad u dhaliishay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maamulka Muuse Biixi,waxaana ay sheegtay in xafiisyadii diblomaasiyadeed ee dibadda ay ku lahayd Somaliland ay dhaqaale la’aan ku dhowyihiin in ay xirmaan.