Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa cambaareeyay Weerar lagu qaaday labo Masjid oo ku yaalla Zealand.

Waxa uu tacsi u diray dadkii ehelkooda ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay, isaga oo alle ugu baryay in uu u naxariisto.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka argagixisada ee naxdinta leh ee lagu qaaday Masaajido ku yaalla Magaalada Christchurch, waana weerar ka dhan ah dad cibaado ku jiray, Dowladda New Zealand waa in ay u istaagtaa sidii Bulshada Muslimiinta ay ugu soo kaban lahaayeen dhibaatadaan, Waana in aan u midownaa Sharta Argagixisada oo nuucyo badan leh” ayuu Yiri Madaxweynaha Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in tacsiyeen kadib ay dhibka la qaybsadeen ehelka iyo Dowladda New Zealand dhibaatadii ka dhacday.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in ay la xiriirtay Dowladda Zealand si ay baaritaano ugu sameyso weerarkii lagu qaaday Muslimiin ku sugneen Labo Masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

The Guardian ee UK kasoo baxo ayaa muuqaalka Map-ka Masaajidada la weeraray ku muujiyay halka ay Gawaaridii ay wateen ugu tageen Kooxda Weerarka qaaday iyo sida ay isku kala qaybiyeen.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa guud ahaan dadkii ku dhintay Weerarka u tacsiyeeyay, waxa uu dalbaday in baaris lagu sameeyay.

Waxaa horay u cambaareeyay weerarkaan dalalka kala ah: Turkey, UK, Germany, Australia, Malaysia, Fiji, Bangladesh, Indonesia iyo kuwo kale.

Dhimashada dadka labada Masjid ee la weeraray ayaa gaaraya 49 qof, waxaana lagu magacaabaa Masaajidda la weeraray Al-Noor iyo Linwood waxa ay ku yaalaan Magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand.