Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn shalay oo Axad ahayd ka dhacday inta u dhaxeysa Tuulooyinka Xal­canood iyo Xiriiro lagu dilay Cabdixakiim Maxamed Ibraahim (Dhoqob) oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka Kooxda Daacishta Soomaaliya.

Hawlgalkaas waxa ay Dowladda sheegtay in si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka oo ay isla howlgalaan.

Saraakiil katirsan Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen xogta Dhoqob, kadibna ay fuliyeen duqeynta lagu dilay.

Daacishta Soomaaliya waxaa hogaamiya Cabdiqaadir Muumin, oo horey uga soo mid ahaa Xarakada Al­Shabaab.

Ninkaan lagu dilay duqeynta waxa ay sheegeen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland in uu horay ugu tirsanaa Al-Shabaab, balse isaga tagay Bishii October 2015­kii.

Howlgalka lagu dilay Dhoqob oo uu ka hadlay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan waxa uu ku tilmaamay in uu muhiim u ahaa howlaha kooxdaan.

Wali kama hadlin Dowladda Mareykanka oo duqeyntaan fulisay, haseyeeshee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in weerarkaan lagu gubay gaari uu saarnaa Gudoomiye ku xigeenka Daacishta Soomaaliya.