Madaxweyne Farmaajo xilligii ololaha doorashada 2016

Hadalada madaxweynuhu waxa ay leeyihiin rajo iyo yididiilo fiican, markii aan maqlay qeexidda uu siiyey xukuumadda uu dhisayo iyo qaabka uu doonayo in ay u shaqeyso, waxa aan ka fahmay in uu ogyahay xanta iyo waxa ay dadweynuhu ka yiraahdeen xukuumadihii hore.

• Dowlad u adeegta ummadda ee aan ka adeegan.
• Dowlad u turta oo aan ku tuman.
• Dowlad u shaqeysa oo aan ka shaqeysan.
• Dowlad u roon oo aan raran”
Ereyga dowlad macnihiisa casriga ah, waa adeeg iyo daboolidda baahida dadkeeda, Sidaas awgeed haddii ay hadalada madaxweyne Maxamed C/llaahi noqdaan ficil raynraynta shacabka Muqdisho ayaa run noqon doonta.

In aan sameeyo qoraalkan, waxa ay igu soo dhacday aniga oo hurda, waxa aan is iri; haddii aad subaxa gaarto armaad illowdaa waxa aad dooneyso in aad ku sheegto, sidaas awgeed ayaan toosay oo sii billaabay waxa ugu muhuumsan.

Hab-socodka dowladnimada Soomaaliya; maalinba meel ayuu soo joogay, hadba xukuumad iyo madax ayaa la kufaa kacayey, laga soo billaabo Ahun Aadan Cadde illaa xilligan oo uu golaha shacabku doortay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxdaas iyo xukuumadahaasi waxa ay soo qabteen shaqo fiican, waxa ay keeneen intii karaankood ah heer fiican iyo meel laga sii dhaqaajin karo, sidaas awgeed waxa aan rabaa in aan sheego in hadalkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa:-
“Ugu dambeystii xaalad adag ayaan ku jirnaa, waddankaan 26;sano wuxuu ku jiray dhibaato, Burbur, Qax iyo dowlad la’aan, ee hal habeen iyo laba habeen iyo 5; bilod wax kuma hagaagi karaan……”

Waxa aan u qaadanayaa in hadalkaasu ahaa mid uu keenay dareenka madaxweynaha iyo farxadda guushiisa, Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa noqday Wasiirka koowaad ee xukuumaddii ka horeysay xukuumadda uu hadda xilka kala wareegay, sidaas awgeed waxa aan filayaa in hadalkaasi uusan ahayn mid ku talagal iyo qorshe ku yimid ee uu ahaa sare-joog ka tuur.

Inta aan arkay dadka wax ka qora dowladnimada Soomaaliya; oo ay ku jiraan shisheeye waxa ay u qaybiyeen 3; heer,

1. 1960-1969;
2. 1969-1991
3. 1991-hadda
• 1960-1969; Laba madaxweyne iyo laba raisalwasaare ayaa xilligan soo maray, waxa ay jireen muddo 9;sano ah, waxa uu ahaa xilligaas kan ugu fiican ee qaaradda Afrika ee xilka iyo awoodda si nabad iyo doorasho ah la isugu wareejiyo.
Waxa dhismay xisbiyo siyaasadeed; oo ku qanacsan in ay tartamaan oo haddii looga adkaadana ay iska tagaan, u na hambalyeeya xisbigii guuleysta, ma qabo in ay wax walba hagaagsanaayeen, balse waxa jiray horudhaca in ay wax walba hagaagaan.

Waxa suurtagal ah in dadka qaar ku sheegeen in uu ahaa waqti muusuq iyo wax isdaba-marin ah, taasi waa dacaayad uu sameeyey hoggaamiyihii Kacaanka, Ahun Maxamed Siyaad Barre; oo doonayey in uu u qiil dayo afgenbiga uu ku sameeyey xukuumad rayid ah.

Waan ogohay in ay jirto aragti kale oo qabta sidaas, balse waxa aad doonayaa in aan miisaano garashada qofka ammaanaya afgenbigii ciidanku ku riday xukuumaddii Ahun; Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ee haddana cambaareynaya inqilaabkii fashilmay ee saraakiil kamid ah ciidanka Turkigu, isku dayeen in ay ku ridaan madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

• 1969-1991; Madaxweyne qura, oo talada iyo xoogguba ay gacantiisa ku jiraan ayaa jira xilligan, waxa uu qabtay wax fiican oo la mahadiyo hayeeshee mashaakil illaa maanta taagana waa loo tirinayaa.
• 1991-hadda; 6; madaxweyne ayaa isaga dambeeyey xilka iyo hoggaanka, awooddoodu hadbain ayay la ekeyd, waxa ay soo taageen meesha ay maanta joogto, wixii ay awoodaan waa ay qabtaan, aragtideyda waa in aan u qaadano madax iyo geesiyaal soo shaqeeyey waqti adag.
Guul-wadeynta

Waxa ii muuqata in haddaba ay billaabatay tirinta suugaan ammaan iyo guulwadeyn u badan, sababta ugu weyn waa hal-abuurkeena intiisa badan oo muddo ku hoos noolaa madax u oomman in la ammaano, iyaga oo marka loo heesana maal iyo guryo ku bixiya.

Hal-abuurka waxa aan ka codsanayaa in ay ogaadaan in waqtigii Guul-wade gabbalkiisu dhacay, dastuurka iyo dowladnimada loo socdaana ay tahay madax adeegayaal ah; oo la weydiin karo waxa ay qabanayaan, sidaas awgeed hal-abuurkina si kale uga sameeya lacag, balse joojiya dhaqanka ammaan lacag ku beddelashada.

Warbaahinta Qaranka

Telefeshinka Qaranka ayaan ku arkay iyada oo laga baahinayo heeso ammaan iyo raxleyn ah oo madaxweynaha cusub xagge dambe sawirkiisu ka muuqdo.

Maqaayad weyn ayaan la fadhiyey odayaal daawanayey Telefeshinka Qaranka, waxa ay isweydiiyeen su’aal ah “Ninkii yimaadaba ma in la ammaano ayuu shaqada ka billaabaa”?

Warbaahinta qaranku waxa ay guulwadeyn ku jirtay muddo dheer, maanta waa in ay beddesho wejigeeda, dhammeysaana dhaqankaas iyo qof ku soo bandhigo suugaanta iyo aftahannimada cid gaar ah.

Madaxtooyada

Shaqaalihii ka shaqeynayey xilligii xukuumaddii hore; aragtideyda waxa ay isugu jireen dad fiican oo aqyaar ah iyo Rag soo galay iyaga oo ka faaiideysanaya xiriirkii ay la lahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh;dabcan rag kale ayuu la yimid madaxweynaha cusub, rajo weyn ayaan ka qabaa in ay waxbadan dhaami doonaan kooxdii hore.

Markii ugu fiicnayd ee Warbaahinta madax bannaani heshay xiriir fiican oo u dhexmara madaxtooyada iyo Warbaahinta, waxa ay ahayd intii uu joogay Daauud Aweys, aad ayuu u xumaa habka ay kooxda xiriirka warbaahinta ee madaxtooyadu ula dhaqmo xarumaha warbaahinta iyo shaqaalahaba, waxa aan xusuustaa in xogta caadiga ah ee madaxtooyadu ugu talagashay in la baahiyo ay kooxdii hore qaarkood helidda xogtaas u diidaan ama ka dib dhigaan warbaahinta madaxa bannaan, sidaas awgeed waxa aan filayaa in taasna wax iska beddelin doonaan.

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Dersa Sharciga & Qaanuunka