Ardaydu marka ay ka soo qalin jebiyaan dugsiyada sare, intooda dooneysa in ay jaamacadda galaan waxa ay welwel badan kala kulmaan kulliyadda ay dooranayaan, qaarkood talada Waalidkood iyo saaxiibadooda ayay ku doortaan kulliyadda, taasina waxa lagayaabaa in ay sababto in ardaygu kuliiyadda uu sidaas ku galay uu sii wadi waayo.

Qaarkood kulliyadda ay xiiseynayaan waxa ay uga haraan sabab dhaqaale, sidaas awgeed kulliyad kale oo aanay xiiso u hayn ayay galaan, ugu dambeysna iyaga oo aan dhammeyn ayay isaga haraan.

Haddaba Barnaamijka Dooro kulliyadda kugu habboon waxa uu diiradda saarayaa in ardayda dooneysa in ay ku biiraan jaamacaddu ay helaan macluumaad iyo waayo-aragnimo fiican ka hor inta aanay gaarin go’aan aan munaasab ahayn ama in aanay talada cid kale ku qaadan go’aanka ay ku kala dooranayaan kulliyadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here