Midig: Dr: Maxamed Axmed Maxamuud Sayid Bidix: Dr: Cabdirashiid Cabdi Ismaaciil

Dooddan oo ay kaqaybgaleen 100 qof oo isugu jira Barayaal wax kadhiga Jaamacado kaladuwan, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo culimada diinta ayaa waxa soo qaban qaabiyey Xarunta Xayaat ee tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista ee magaalada Muqdisho.

Aqoon yahanka kaqaybgalay doodda ayaa si weyn u lafaguray sababaha isbeddelka geeska Afrika, Waxtarka  uu u leeyahay Soomaaliya iyo mashaakilka uga imankara Soomaaliya haddii aanay si wanaagsan u la falgelin, doood cilmiyeedkan ayaa xoogga lagu saaray sida ugu wanaagsan ee Ummadda Soomaaliyeed uga qaybqaadan karto islamarkaana uga faa’iideysan karto isdhexgalka iyo wax wadaqaybsiga kabillowday geeska Afrika.

Mascuud Weheliye guddoomiyaha Xarunta Xayaat

Mascuud Weheliye guddoomiyaha Xarunta Xayaat ee tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista oo furay dood-cilmiyeedka ayaa carrabaabay sida uu ugu faraxsan yahay in kaadir iyo aqoon yahan badan ay kasoo qaybgaleen dood cilmiyeedkan, islamarkaana ay soo bandhigaan wixii aragti iyo cilmibaaris ah ee ay kaqoreen isbedelka kadhacay geeska Afrika.

“Nuxurka dooddu waa in ay qeexdo dabaylaha isbeddelka ee ka dhacaya geeska Afrika ummadda Soomalaiyeed faa’iido miyaa ugu jirta mise dhibaato ayaa ugu jirta” waxa aan Xayaat ayah dooneynaa in aan si cilmi ah aan u qeexno arrintaas.

Dr: Cabdirashiid Cabdi Ismaaciil oo ah bare sare oo cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda kadhiga jaamacadda Helisinki ee dalka Finland ayaa dood cilmiyeedka ku billaabay  cilmibaaris kooban oo kusaabsan sababta Isbeddelada iyo dabaysha geeska Afrika

Dr: Cabdirashiid ayaa yiri: “Sidii ay u timid aragtida la dagaalanka Argagixisada ee Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedku ay horkacayeen kuna  mashquuleen dagaalkaas waxaa dhacay in Raashiya iyo China ay koraan dhaqaale iyo horomar weyna ay sameeyaan, Turkiga iyo China maalgashi iyo xiriirballaaran ayay  ka sameysteen Afriaka si gaar ah geeska Afrika, taasi waxa ay Mareykanka tustay in saameyntiisa geeska Afrika ay hoos u dheceyso ama ugu yaraan ay halisi ku wajahan tahay, sidaas awgeed waxa ay ahayd lama huraan in Isbeddelka Itoobiya dhaco kaddibna uu ku faafo geeska Afrika

Dr: Cabdirashiid ayaa yiri: Dareenka xagga Amniga ah iyo welwelka nabadgelyadu kuma koobna Soomaaliya ee waxa uu wada quseeya dhammaan waddamada iyo shucuubta geeska Afrika.

Dood-cilmiyeedka ayaa  lafaguray Haysashada gobolka geeska Afrika (Regional super power)  iyo sida ay dowladuhu ugu tartamayaan sidii ay u noqon lahaayeen awoodda iyo hormuud gobolka ee hoggaanka, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, aqoon yahanada kaqaybgalay dood-cilmiyeedka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Raisalwasaare Abiy Axmed ula heshiinayo Ereteriya, Soomaaliya iyo Jibuuti ay tahay in uu sameeyo isbadbaadin siyaasadeed (Political survivor)  si uu u sameeyo in Itoobiya ugu yaraan ay sii ahaato hoggaanka gobolka.

Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo Bare Sharciga kadhiga Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay in 6 arrimood ay sababi doonto in Soomaaliya aanay si wanaagsan uga  faa’iideysan isdhexgalka iyo waxwadaqabsiga geeska Afrika, sababahaas ayuu kusheegay

  1. Maqnaanshaha waxyaabaha dowladda xoojiya sida sarreynta sharciga, Isxukunka wanaagsan iyo kusalaysnaanta Qabiilka
  2. Musuqa oo si xooggan ugu jira Nolsoaha
  3. Dagaalka aan kujirno ee ururada iyo kan dhexdeena
  4. Bulshada ganacsiga ee sameysmay muddada ay dowlad la’aanta ahayn
  5. Waddamada dersika nala ah tusaale ahaan 1963 heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Kenya waxa uu kusaabsanaa in isbaheysi ay yeeshaan Itoobiya iyo Kenya, heshiiskaas waxaa kujiray in Itoobiya iyo Kenya ay yeeshaan isdhexgal dhaqaale iyo mid dadeedba halka ay qorsheeyeen in  Soomaaliya ay noqo
  6. Iyo Waddamada reergalbeedka oo taageerada ay siinayaan Soomaalida ay tahay mid ku kooban meel ciriiri ah.

Maxamed Axmed Maxamuud Sayid ayaa yiri: “Abiy Axmed iyo Xayle Maryan Deselin (Haile Meriam Desaline) Waxa ay shaaciyeen in Bangiga dhexe ee Itoobiya uu xubeero yahay oo aan wax lacag ah kujirin sidaas awgeed Waddamo reer Galbeed ah oo Mareykanku u horreeyo ayaa Imaaraadka u diray farriin ah in ay 3 Bilyan oo lacag ah ay siiso Bangiga dhexe ee Itoobiya si loo badbaadiyo looguna sameeyo horumarin, ujeedku waxa uu ahaa in lacagta iyo dhaqaalaha oo Itoobiya oo hoos u socday laga badbaadiyo dhibkaas dhaqaale

Haddii uu dhaco isdhexgal sax ah (true integration) Soomaalidu waxa ay ka gelayaan meesha ugu sarreysa”

Xidlhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Xidlhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kaqaybgalay doodda ayaa yiri:

Labada walxood ee saldhigga u ah ilbaxnimada iyo noloshu meesha aan Soomaali ahaan adduunka uga naal ayay yaallaan

Mid waa Xiriir (Communication) midna waa Dhaqdhaqaaq (Mobility) dabaylaha kadhaca badweynta India oo aan qayb ka nahay waxa ay fududeeyeen isdhexgalka iyo ilbaxnimada, waxa aad ogtihiin kaalinta aan ku leenahay Soomaali ahaan Indian Ocean

Isbeddelka kadhacay Itoobiya kuma imaan xoog iyo dagaal ee waxa uu kuyimid maamulkii Tigreega oo ahaa qowmiyad laga tirada badan yahay  oo dadkiisii gacan bir ah ku qabtay si adagna u maamulay oo meesha kabaxay, isbeddelkaas waxa uu ahaa lagama maarmaan

Madaxaweynaha Eretria ayaa igu yiri waadnaan is ogeyn ee haddii aad u maleysaan in aad Afrika Seynta uga taallaan waxa aad u tihiin Afrika horyaal. Itoobiyana idinka ayay idin dabakacdaa ee ma ogidin:

1969kii ayaad kacdoon milateri sameyseen, Itoobiya oo caabudu jirtay Xayle salaase ayay rideen, waxa aad qaadateen Hantiwadaagga cilmiga kudhisan iyaga oo Mareykan la haysta ayay kategeen oo Midowgii Sofiyeeti, 1991 inqilaab nidaamkii ayaad riddeen iyaguna 3 bil kaddib ayay rideen, 20 sano waxaa haystay maamul tigree la yiraahdo oo ah kuwa laga badan yahay

Dr Maxamed Xaaji oo kamid ah aqoon yahankii kaqaybgalay doodda ayaa sheegay in Soomaalidu haysato dhowr fursadood oo ay isbeddelka kadhacay geeska Afrika kuwajihi karaan, waxaa uu sheegay in fursadahaas ay mid walba leedaha halisteeda, waxa uu yiri:

  1. Isdaadraacin oo u baahan xirfad iyo waaya-aragnimo si aan uga badbaadno
  2. Kahortegid oo aan maanta suuragal ahayn, sababtuna waa in aanay jirin awood dhaqaale iyo mid dadeed oo nagu caawin karta arrintaas
  3. Kafaa’iideysi oo ah tan ugu fiican uguna waxtarka badan, sida aan uga faa’iideysaneyno waxa ay u baahan tahay hay’ado dowladood oo dhisan xoog leh yaqaanana meesha ay u socdaan.
  4. Muquurasho oo iyaduna u baahan xirfad weyn oo ka xooggan kana badan tan isdaadraacinta.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha hay’adda culimada

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kamid ahaa culimadii kaqaybgashay Dood cilmiyeedkan ayaa sheegay in ay muhiim u tahay ummadda Soomaaliyeed in ay si mug leh uga faa’iideysato isbeddelada kadhacaya gobolka iyada oo garaadka iyo dhiifaha bulshada Soomaaliyeed looga adeegsan karo kafaa’iideysiga isbedelka kasocda gobolka geeska Afrika.

Dhismaha Hay’adaha dowladda

Aqoon yahankii kaqaybgalay doodcilmiyeedka ayaa muujiyey yididiilo iyo Quus isdabayaal oo ay yididiiladu kabadan tahay quusta, waxa ay sheegeen in kaddib 18 sano oo ay socotay shaqada dib u dhiska dowladda Soomaaliyeed  ay  hay’adaha dowladdu maanta leeyihiin yididiilo fiican oo ay kumaareyn karaan isbeddelka geeska Afrika, sidaas awgeed waxa ay kutaliyeen in awood iyo xoog badan la geliyo dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Natiijada ka soo baxday dood-cilmiyeedka

Kaddib muddo 4 saac ah oo dooddan cilmibaaristu socotay waxa ay aqoon yahanku islagarteen in ay muhiim tahay tixgelinta qodobadan:-

  1. Aqoonyahanka kaqaybgalay doodcilmiyeedku Waxa ay hoosta ka xariiqeen ayna welwel kamuujiyeen in Isbedelka geeska Afrika uu saameyn xun kuyeelan karo guud ahaan mustaqbalka iyo Jiilka dambe ee Soomaaliyeed haddii aan si wanaagsan oo wax ku ool ah looga faa’iideysan islamarkaana dowladda Soomaaliyeed aysan ula dhaqmin isbedelka si feejigan.
  2. Aqoon yahanka kaqaybgalay doodcilmiyeedku waxa ay si weyn u muujiyeen in dowlad ahaan iyo Ummad ahaan aanay dadka Soomaaliyeed  maanta u diyaarsanayn in ay isdhexgal la sameystaan dowladaga gobolka geeska Afrika balse ay la sameysan karaan Iskaashi iyo waxwadaqabsi
  3. Si looga faa’iideysto isbedelada Geeska Afrika waa in la xoojiyo xarumaha cilmibaarista islamarkaana dhammaan go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeyso dowladdu eek u aaddan isbeddelada geeska Afrika agu saleeyo cilmibaaris iyo xaqiiqo
  4. Xoojinta iyo dhisidda hay’adaha dowladda Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan la dhaqanka iyo lafalgalka isbedelka geeska Afrirka.
  5. In cilmibaaris rasmi ah laga sameeyo dhammaan Isbeddelka geeska Afrika iyada oo la eegayo dhinacyada saameynta fiican iyo tan xun ee Isbeddelkani ku yeelan karo Soomaaliya.
  6. Xoojinta wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed

Xarunta Xayaat e tababarada hoggaamineed & Cilmibaarista