Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Donald Y. Yamamoto.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya wada hadalada u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Image may contain: 2 people, people smiling, outdoor
Ambassador Donald Y. Yamamoto iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Hargaysa ku kulmay.

Arrimaha sida gaarka ah kulankan diiradda loogu saaray, waxaa ka mid ah dardargelinta arrimaha doorashooyinka Somaliland sidii ay shirkadaha Maraykanku u maalgashan lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen Suuqyadda Somaliland, xaaladda gobolka, Amaanka iyo Dimuqraaddiyadda geeska Afrika.

Image may contain: 1 person
Madaxweynaha Somaliland oo Safiirka Hargaysa ku soo dhaweeyay.

Safiirka waxa socdaalkiisa ku wehelinaysay madaxa xafiiska ganacsiga iyo dhaqaalaha ee safaaradda Maraykanka, Ms Shella A. Billas iyo madaxa xafiiska hay’adda USAID.

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing
Masuuliyiinta Madaxweynaha iyo Safiirka Kulanka ku wehlinaayay.

Dhinaca madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is faham.