Tababaraha France kula guuleystay koobkii Aduunka ee sanadkan ayaa meesha ka saaray in is bar-bar dhig lagu sameeyo xidigaha Messi iyo Mbappe.

Fikirka shaqsiyaad badan ayaa ah in weeraryahanka kooxda Paris St Germain ee Kylian Mbappé uu kaga bilaawday xirfadiisa kubad cagta sida ugu fiican.

Laakiin Didier Deschamps ayaa sharaxaad ka bixiyay in qaab ciyaareedka Kylian Mbappé in inbadan uu ka duwan yahay kan Messi, balse fikradiisu ay tahay in ay isku tayo yihiin marka loo fiiriyo.

Deschamps ayaa wuxuu dhinaca kale tilmaamay in waxa kaliya ee ka harsan Kylian Mbappé ay tahay inuu sii wato qaab ciyaareedkiisa wanaagsan isla markaana uu  sameeyo sanado badan sida uu sameeyay Lionel Messi.

“Xidigaha Messi iyo Mbappé waa lab xidig oo kala duwan, ciyaaryahan kasta wuxuu leeyahay dabeecad qaas u ah, laakiin waxaa jira hal arin ee xaqiiqo ah, Messi waa xidig weyn Mbappe-na waa xidig da’yar oo hada soo baxay”.

“Waxay isaga egyihiin meelo farabadan waana labo xidig oo cajiib ah Mbappe hadii uu dadaalo waa uu gaari doono Messi” ayuu yiri Tababaraha France.