Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa maanta ka dhacey dibadbax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Magaalada kaas oo laga soo horjeeday Muuqaal laga duubay gabar ardayad aheyd oo lagu kufsaday Deegaan hoos yimaada Dagmada Guriceel ee Gobolka Galguduud.

Bulshada dibad baxa dhigaayay.

Banaan baxaan oo ka qayb qaateen Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa hadlay Culimada iyo Mamulka Dagmada dhuusamareeb waxa ayna dalbadeen lahorkeeno Cadaalada ragii Kufsi wadareedka ugaystay Gabadha ardayada aheed.

L’image contient peut-être : 3 personnes, chapeau
Dhalinyarada dagmada oo dibad baxaya Kufsiga.

Shiiq Cabdi Wali Xaaji Diiriye oo kamida Culimada Dhuusamareeb oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa sheegay in aad Xunyihiin waxyaabaha Xun Xun ee deegaanka ka dhacey.

L’image contient peut-être : 4 personnes
Sheikh Cabdiwali Xaaji Diiriyeoo kamid ah Culimada Dhuusamareeb.

Shiiq Cabdi wali ayaa sheegay in ay ka Culimo ahaan in ay dalbanayaan waxa uu sharciga Islaamku kaqabo in malariyo ragga dambiga Gaystay.

L’image contient peut-être : 5 personnes, personnes souriantes, personnes debout et plein air
Dhalinyarada Dhuusamareeb

Laamaha Amaanka Dagmada Guriceel oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Ragii Kufsiga Gaystay ayna Cadaalada Horkeeni doonaan maalmaha soo socda.

L’image contient peut-être : une personne ou plus, personnes debout et plein air
Ardayda Wax ka barata Dhuusamareeb.