Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray labo qof halka qof kalena la sheegay in laga soo badbaadiyay dhismaha Garoonka Jaamacadaha ee Degmada Hodon.

Qof Goobjooge ah ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in qeybta VIP-da ee ay fariistaan dadka Muhiimka ah ee Garoonka Kubadda Cagta ee Jaamcadaha ay duntay sidaasna khasaaraha ku dhashay.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in halka qof ee dhintay ay ka soo saareen bur burka hoostiisa, halka laba qofna laga soo badbaadiyay burburka dhismaha.

Waxaa uu intaas ku daray in la soo gaba gabeeyay howlgalka ka socday dhismaha,waxaana la soo badbaadiyay saddex qof halka mid kalena uu dhintay, qofna uu soo gaaray dhaawac.

Dib u dhiska Garoonka Jaamacaha waxaa uu ka mid ahaa mashaariicdii ay FIFA ka fulisay Soomaaliya ee uu fuliyay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.