Mid kamid ah dhaqaatiirta waaweyn ee Jarmalka ayaa yiri: Maalin maalmaha kamid ah aniga oo safar ku jira ayaa waxa si kedis ah garoonka diyaaradaha igula kulmay wiil dhallinyaro ah, waxa uu I siiyey nuqul Qur’aanka kariimka ah oo turjuman, inta u mahadceliyey ayaan jeebka ku ritay aniga oo qorsheystay in aan isaga tuuro qashin-qubka kadib marka uu wiilku iga mirqo ama Libro si uusan uga murgin hadiyadda uu I siiyey haddii aan iska tuuro isaga oo arkaya.

Kitaabkii qur’aanka jeebkeyga ayaan ku hilmaamay, diyaaraddii aan raaci lahaa ayaa soo caga-dhigatay, waa koray waana ay kacday diyaaraddii, safarka oo aad u dheeraa, daalka iyo caajiska I hayey awgood ayaan xusuustay in jeebkeyga uu ku jiro kitaabkii qur’aanka ee hadiyadda wiilku ii siiyey, waa soo bixiyey, kaddibna xaashiyihii ayaan rogrogey, suuradda la yiraahdo Al Kahfi ayaa indhaheygu qabteen, waa aqriyey balse waxa I istaajiyey oo aad ii soo jiitay labada ayaadood 17aad & 18aad  oo kala ah:

Waan gartay sababta hadba dhinac loogu geddinayey iyaga oo hurdaya oo waa in dhulku ama ciiddu cuneyso haddii ay haldhinac u jiifaan, basle waxa iga yaabiyey ayaa ah in qorraxdu marka ay soo baxdo ay godka ka soo geleyso dhanka midigta marka ay dhaceysana dhanka bidixda, taas oo mac-naheedu yahay in maalin walba fallaaraha qorraxdu ay soo galaan godka balse aanay si toos ah ugu dhicin jirka dhallinyarada hurdeysa, taasna cilmiga caafimaadku si fiican ayaa loogu yaqaan, si aanay blister oo sababa dhaawac gubasho ah kuna dhasha sariiraha yaal guryaha aan hawada iyo qorrxada helin aanay u dhalin waa in qolku hawo iyo Qorrax fiican helo iyada oo aan si toos ah ugu dheceyn jirka qofka, waana taas sababta hadba dhinac loogu rogayey si aan jirku u baaliyoobin, aan ciiddu u cunin ama aanay u bixin dhecaanadu gudaha iyo dibaddaba (internal & external)

Balse waxa aan aadka uga fakaray oo aad iiga yaabiyey ayuu yiri dhaqatarkii waa in aan Eygii ay wateen aan sidooda oo kale hadba dhan loo rogeyn ama loo geddineyn, basle labadiisa dhudhun ayuu ku fidsaday barxadda godka, sidaas ayuuna u yiil muddo 309; sano ah, jirkiisa ciddu ma cunin, dheecanadii kama aanay bixin mana baaliyoobin waana taas midda igu qasabtay in aan daraasad iyo baaritaan ku sameeyo habka iyo sameyska jirka Eeyaha iyo uu u shaqeeyo (Physiology of dogs). Daraasad kaddib waxa aan la anfariiray waa in xayawaanka Eygu uu keligii leeyahay ama uu la gaar yahay xubin ama qayb jirka hoose kamid ah (Glands) oo soosaarta dheecaan ama maaddo ka illaalisa jirka Eygu in uu baaliyoobo ama dhulku cuno ama ay dheecaanadu daataan inta uu eygu nool yahay xitaa haddii uu hurdo  muddo dheer iyada oo aan la rogrogin, sidaas awgeed Eygu uma baahnayn in sidooda oo kale loo gedgeddiyo intii ay ku jireen godka.Dhaqtarkii waxa uu qaatay Islaamka kaddib markii ay u soo baxday tijaabo cilmi ah oo ku qancisay in uu Islaamo.

Qof ahaan intii aan aqrinayey, baarayey ama aan turjumayey qoraalkan waxa igayaabiyey waa in aan Suuraddan AlKahfi aqrinayey macnaha iyo ereyadaba qiyaastii 25; sano, waan ogaa in dhallinyarada loo gedgeddinayey si aan dhulku u cunun balse isma weydiin sababta aan Eyga sidooda oo kale loo rogrogin, halkan dhaqtarkani uu markii ugu horreysay isweydiiyey waxa uusan aqoon ee qur’aanku u sheegayo, raadiyey soona helay natiijo ku qancisay in uu isbeddelo. sababta waxa aan u fahmay in ay tahay kala duwaanshaha noo dhexeeya ee dhanka dhaqanka iyo habka waxbarashada.

Soomaaliyeynta: Axmed Ciise Guutaale
Isha: Qoraalkan oo Asalkiisu ahaa Afka Jarmalka waxa soo diray isaga oo Carabi ah Maxamed Gacal

Mustaqbal Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here