Dabley hubeysan ayaa maanta Degmada Mandheera dhulka Soomaalida ee Kenya Maamusho waxa ay ka qafaasheen dhakhaatiir u dhalatay dalka Cuba, xilli ay dhex marayeen bartamaha degmadaasi.

Dhakhaatiirtan oo tiradoodu lagu sheegay laba nin ayaa waxaa barqanimadii maanta laga kaxeystay agagaarka Suuqa Sarifka ee Degmada Mandheera, wax yar uun ka dib markii toogasho lagu dilay nin ilaalo u ahaa.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dhakhaatiirtan lala watay darawalkoodii, iyadoona loola soo dhaqaaqay dhanka Soomaaliya.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in dhakhaatiirta u dhalatay dalka Cuba ay muddooyinkii ugu dambeysay hawlo shaqo u jooggeen Isbitaalka Degmada Mandheera.

Ma cadda cidda dhabta ah ee qafaalatay dhakhaatiirtaasi, balse saraakiisha Kenya ayaa la xiriirinaya Al-Shabaab, oo marar kala duwan afduub ka gaystay gudaha dalka Kenya.

Dowladda Kenya wali faah-faahin rasmi ah ma siin warbaahinta, waxaana socda howlgalo baaris ah oo ay wadaan Ciidamada Booliiska Kenya oo ay ku raadinayaan kooxdii wax afduubatay.