Oraahda Caan baxday ee dhalinyaradu waa Mustaqbal barito waxaa loola jeedaa in dhalinyarada ay isku diyaariyaan waxyaabihii ay qaban lahaayeen waqtiga soo socda,sababta oo ah Maanta way baxday ama way dhamaatay mana soo laaban doonto waa laga yaabaa in magaca uu soo laabto sida Axad ama wixii la mid ah.

Marka dib loogu laabto halkii la joogay 8 sano kahor iyo kaalintii ay dowladnimada ku lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa Naadir aheyd in dhalinyaro meel looga dhigo Masuul ama xil dhameystiran oo dowladeed loo dhiibo sababtu waxa ay aheyd fursada oo yar, iyo fahamka Caqliga iyo Xooga dhalinyarada oo la darifsanaa, Waa dhalinyaro inta uu geed ka boodo ayuu tallo ka boodaa waxa ay aheyd jidgooyada hortaalay.

Dood dheer oo ay dhalinyarada wajaheen iyo ismuujin badan oo iskaa wax u qabso ah oo ay sameeyeen iyo iyaga oo waxbartay maanta waxa ay taagan yihiin in ay yihiin shaqaalo dowladeed, shaqaalo shaqsiyaad u shaqeeyo waliba meelaha ay ka shaqeeyaan ka soo dhalaalo, in badan oo ka mid ah waxaa ku jirto fariidnimo, firfircooni, go’aan lahaasho, ka go’naasho iyo masuuliyad wallow ee jiraan kuwa intaas cagsigeeda sameeya oo magac iyo Muuq dilay dhalinyarada kale.

Dhalinyaradu waxa ay ku jiraan Baarlamaanka oo waliba tiro ka badan tiradii hore, waxa ay qeyb ka yihiin golayaasha Fulinta iyo Garsoorka, intaasi loogama harin waa tan maanta lagu wada safay hogaanka saldhigyada Dagmooyinka gobolka Banaadir oo ay ka dhacaan falal amniga lidi ku ah marka xilalka laga hadlo haweenku waa ay ku yar yihiin qabashada hogaanka ciidanka ama darajooyinka sare inkastoo ay gaareen taliye ku xigeenka ciidanka Boliska iyo ku xigeeno taliyaal saldhig.

Dhibaatooyinka ugu badan ee saameynta ku leh Amniga Caasimada waxa ay ka dhacaan dagmooyinka gobolka Banaadir sababta oo ah meel waliba oo dhib ka dhaco waxa ay ka tirsan tahay dagmo, si amaan loo adkeeyo waxa ay u baahan tahay dadaal, xeelad, waayo aragnimo, dhaqaalo, hub iyo ciidan ay ka go’an tahay xaqiijinta adkeynta amniga dalka iyo hogaan dhameystira baahiyaha ciidanka, ee dhinac waliba leh.

Su’aashu waxa ay tahay xoogiina iyo Caqligiina Xamar ma ku xasilin kartaan Mise waxa aad la meel joogi doontaan fikirka dadka qaar ay dhalinyarada ka aaminsan.

W/Q: Nasriin Maxamed Ibraahim