Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saddex qof ay ku geeriyoodeen Kaawo ku soo duntay.

Saddexda Qof ee geeriyootay  ayaa la sheegay in laba kamid ah ay Xaasas lahaayeen halka Qofka kalena uu ahaa qof aan wali Guursan, Dhamaantood waxaa lagu soo aasay Qabuuraha Sheekh Cali Cabdulle ee Duleedka Degmada Kaaraan.

C/Qaadir Cadoow Cali Afrax Oo kamid ah dakii Kaawada wax ka qodayay waxa uu Mustaqbal usheegay in laba Qof ay hal meel ku wada geeriyoodeen halka ruuxa kalena uu meel kale ku geeriyooday, Isagoo burbur xoogan uu soo gaaray Jirkiisa.

Dadka muruq maalatada ah ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Kaawo ku soo duntay, Maadaama dhagxaan waaweyn hoostooda ay Carro ka soo saarayaan, si ay usii iibiyaan.

Halkan ka dhageyso Goob Joogaha Kaaraan:

      WAREYSIGA-DADKA-KAARAAN-KU-DHINTAY