Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay Xaaladda Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dhacdooyin is xig-xigay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Si gaar ah waxa uu usoo hadal qaaday nin dhowaan inta la dilay kadibne la gubay, waxa uu arrintaan ku tilmaamay mid ay reebtay Diinta Islaamka.

Ehelka Axmed Dowle oo ah Ninka dhacdadaas ku dhacday ayuu ugu tacsiyeeyay falkaas oo uu sheegay in uu ka hor imaanayo Diinta Islaamka, Dhaqanka Soomaalida iyo sharafta Bani aadamka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh.Axmed ayaa arrimahaaan ku tilmaamay in ay ka dhalan karto Caro alle, Muslimiintane ay ku kala sareeyaan Alle ka cabsiga.

Culimada, dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay u istaagaan dabargoynta heeb sooca Soomaalida ka dhex jiro sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan ka dhageyso Codka Shariif Sh.Axmed.

      1760601727399404