Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”, ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Amisom la geeyay Xabsiga Dhexe ee Xamar, si door ay uga qaataan sugida amniga.

Ciidamadan ayuu sheegay iney ka tirsanyihiin Booliska Amisom, balse hada la shaqeynayay Ciidamada Asluubta ee Xabsiga Dhexe ilaalada ka hayay.

Sarreeye guud Bashiir Goobe, Sababta ay udlabadeen Amisom, waxa uu ku sheegay in xabisga dhexe ay ka guureen Taliskii Guud ee Ciidanka oo markii hore ciidamo badan ay ka joogeen, balse haatan Taliskaas uu uguuray xaruntiisa rasmiga ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, oo loo diray fariinta ah inuu AMisom ciidan ka keeno, ayaa durbadiiba waxaa dalabkiisa ka jawaabay Saraakiisha booliska AMisom oo Ciidamadooda geeyay Xarunta Xabsiga Dhexe ee ku yaala degmada Xamar Jajab.

Dhageyso Codka Taliye Bashiir Goobe:

      180808_001 - My Recording