Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay Agaasimaha Maaliyadda ee Madaxtooyada Puntland.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Siciid Cabdullahi Deni ayaa agaasimaha Maaliyadda loogu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geeddi)

Geeddi waxaa uu ka tirsanaa Kooxdii Ololaha ee Siciid Cabdullahi Deni,waxaana loo magacaabay Agaasimaha Malaiyadda ee Madaxtooyada Puntland.

Siciid Deni ayaa waxaa uu dhawaan isbeddel ku sameeyay maamulkii Madaxtooyada isaga oo magacaabay Agaasimaha guud, Taliyaha iyo ku xigeenka ilaalada Madaxtooyada iyo xilal kale.