Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay sida ay noqon doonto xukuumadda cusub ee uu ku howllanyahay dhismaheeda.

Deni ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku badnaan doonaan dadka aqoonta leh sidoo kalena ay Haweenka saami fiican ka heli doonaan.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale dhallinyarada waxbaratay ay kaalin fiican oo waliba fir fircoon ka qaadan doonaan Xukuumadda cusub.

Deni ayaa 8ddii Bishan lagu doortay Magaalada Garowe kaddib markii uu ka soo dhexbaxay 21Musharrax oo u taagnaa xilka Madaxweynaha Puntland.