Madaxweynaha Cusub ee Puntland siciid Cabdullahi Deni  iyo madaxweynii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si wada jira u Gudoomiyey shirka Golaha Wasiirada Maamulka Puntland.

Shirka waxaa Madaxweynaha Cusub Siciid Cabdulaahi Deni iyo Gaas ku wehlinaayey Madaxweyne ku xigeenka cusub ee puntland Axmed Cilmi Cisman Karaash  iyo Madaxweyne ku xigeenkiisii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Camey.

L’image contient peut-être : 3 personnes, personnes assises et texte
Shirka Golaha wasiirada Puntland

Shirkaan oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Garoowe ayaa intiisa badan diirada lagu saarayaa  xiliga ay dhaceyso Xilwareejinta Madaxweynaha Puntland,halka ay mareyso Mashaariicda hormareed ee laga sameynayo deegaanada Maamulka Puntland iyo Xaalada Kala guurka ah siyaasada,Amnig iyo dhaqaalada Puntland.

Kulan ayaa ayaa ah kii ugu horeeyey ee uu shir gudoomiyo Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo maalin ka hor loodoortay Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland