Dekadda Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa qarka u saaran in ay la wareegto Dowladda China kaddib markii Kenya ay bixin weysay lacagtii lagu maalgeliyay Mashaariicda Tareenka Mombasa iyo Nairobi.

Banki ay leedahay China ayaa maalgeliyay mashruucan,kaas oo ah Banki inta badan xarumo ku leh dalal kala duwan.

Muxuu yahay Bangigan?.

Bangiga Exim.

Exim Bank, waxaa la aas aasay Sanadkii 1994tii,waxaa iska leh dowladda China,waxaana uu bixiyaa adeegyada maalgelineed ee dibadda, inta badan waxaa uu xarumo ku leeyahay gudaha China,Hindiya,Bangaladesh iyo inta badan dalalka Afrika ee Amaahda ka qaata China.

Maxaa ka jira in uu la wareegayo Dekadda Mombasa ee Dalka Kenya?.

Dekadda Mombasa.

Hanti dhowraha Guud ee Dalka Kenya Edward Ouko, ayaa taagay fallaarta cas ee digniinta heerka ugu sarreysa ah kaddib markii sida uu sheegay Waaxda Tareennada Kenya ay awoodi weysay in ay bixiso deymaha Bangiga Exim uu ku leeyahay Kenya.

Edward Ouko; Hnati dhowraha guud ee Kenya.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii Dowladda Kenya ay Balaayiin dollar ka amaahatay Dalka China si ay ugu dhisto Tareen,Bosteejooyinkiisa iyo Waddada u dhaxeysa Mombasa iyo Nairobi oo uu Tareenka hadda ku shaqeeyo.

Bangiga Exim,waxaa uu dowladda Kenya ku leeyahay 227 bilyan oo lacagta Kenya ah,waxaana ku adag waaxda Tareennada ee Dekadda Mombasa bixinta lacagtaas.

Kenya waxaa ay hadda qarka u saarantaay sida dalalka Sri Lanka, Zambia, iyo Jabuuti, dalalkaas oo qaarkood lagala wareegay hantida dowladda halka kuwo kalena ay hadda wadahadal ku jiraan.

David Ndii; yahan Kenya u dhashay.

David Ndii; oo ah dhaqaaleyahan u dhashay Kenya ayaa mashruucan Kenya khasaaraha gelinaya markii la billaabayay ka digay in dowladda ay hal Mashruuc intaas oo hanta ah geliso,waxaana uu sheegay in uusan anfici doonin Mustaqbalka Kenya,maaddaama uu yahay mashruuca ugu qaalisan ee taariikha dalka Kenya ee amaah lagu dhisayo.

Tareenka SGR Cargo, ee China u dhistay Kenya.

Heshiiska ay Kenya la gashay Exim Bank,ayaa waxaa ka mid ahaa in dakhliga ka soo xarooda Tareenka iyo Dekadda qeyb ka mid ah lagu bixiyo deynta Bankiga Exim.

Inkasta oo aysan dowladda shaacin boqolleyda deyn bixinta Bankiga,haddana xeer ilaaliyaha Kenya ayaa muujiyay niyad jab ah in waxa uu ku arkay warbixin sanadkeedka xafiiskiisa ay tahay in uu arkayo Dekadda  Mombasa oo raaceysa waddada dekaddo ay leeyihiin dalalka qaar, islamarkaana u gacan geleysa China.

Sharikadda Korontada Dowladda Zambia ee Zesco

Dalka Zambia; waxaa uu hadda wadahadal kula jiraa dowladda China,waxaana uu kala hadlayaa sidii uu ugu wareejin lahaa Sharikadda Koronta ee dowladda ee ZESCO, si ay dowladda ugu deyn baxdo.

Wax soo saarka gudaha ee dalka Zambia iyo amaahda uu ku leeyahay China ,marka la is bar bardhigay waxaa badatay deynta uu China ku leeyahay dalka Zambia,waxaana  dowladda qasab ku noqotay in ay wareejiso mid ka mid ah hantideeda ugu qaalisan.

Saldhigga Camp Lemonnier ee Mareykanka, oo ay u badantahay in uu la wareego China.

Dalka Jabuuti; 88% Dakhliga gudaha Dalka Jabuuti oo gaaraya $1.72 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,waxaa  amaah ahaan ugu leh dowladda China.

Walwalka ugu weyn ee arrintan ay dhalisay ayaa ah in Dowladda Jabuuti ay China ku wareejiso Saldhigga Camp Lemonnier oo ah saldhigga Ciidanka Badda oo uu hadda degganyahay Mareykanka.

Dekadda Hambantota, 99 Sano ayey la wareegtay China markii ay Dowladda Sri Lanka bixin weysay lacagta.

Dalka Sri Lanka;  ayaa Bishii December 2017, lumisay Dekadda  Hambantota,markii ay iska bixin weysay deymaha ay dowladda China ku leedahay,waxaana uu China dekaddaas la wareegay oo uu maamuli doonaa muddo 99 Sanadood ah oo hadda kaliya hal sano ka baxay.

W/Q: Adam Ibrahim Farah (Showqi)

Mustaqbal Radio.