Degmada Shibis ayaa iska xaadirisay fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay rigoorayaal kaga libin heshay degmada Shangaani.

Labada degmo oogaroonka Banaadir ku yeeshay kulanki labaad ee afar-dhamaadka tartanka ayaa waqtigii loogu talo galay ciyaarta isku mari waayay barbaro goolal la’aan ah waxaana loo dhigay gool-kulaad.

Shangaani oo tuurashada ku horaysay ayaa qaladay tuurashadeedi saddaxaad, waxaana ka qasaariyay Cabdimaalik Cumar Cabdi oolaf –dhabar u ahaa in ay shangaani heerkan soo gaarto.

Shibis oo ay gool-kulaadyada u tureen shanti laacib ee kulanki wareegga ee ay Wdajir kaga adkaadeen ayaa ka faa’iidaystay fursadeeda, waxayna 5-4 ugu gudubtay fiinaalka tartanka.

Shibis ayaa fiinaalka tartanka waxay Arbacada habeenka ay khamiiska soo galeyso la qaadan doontaa degmada Waaberi oo tartanka daafacanaysa.

Markale ayaa lagu wadaa in xilli habeen ah la ciyaaro kulanka kama dambeysta ah ee tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Finalkiisa waxaa isugu soo haray Shibis iyo Waabari oo bandhig wanaagsan ku sameeyay tartanka.

Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa qorsheenaya in markale ay  Bahwaynta  Isboortiga ay soo xasuusiyaan Xilliyadii Barisaadka iyo sanadkii la soo dhaafay maadaama tartanka xilli habeen ah la qabanayo.

Ilaa  iyo iminka si rasmi ah looma shaacin waqtiga la soo gaba gabayn doono, laakiin toddobaadkaan gudihiisa ayaa la soo af meeri doonaa.

Shaqo adag ayaa ka socota garoonka Benaadir oo waxaa lagu xirayaa Leerar waa wayn waxana suuro gal ah in ciyaarta Finalka la ciyaaro Khamiis ama Jimce.