Daafaca kooxda Bayer Munich David Alaba ayaa aad looga doon doonayaa horyaalka Spain ee La Liga wuxuuna diirada u saaran yahay kooxda Real Madrid.

26-jirkaan ayaa waayo qurux badan ku qaadanaya kooxda ka dhisan dalka Germalka ee Bayer Munich waxaana lagu soo waramayaa in uu kujiro liiska xidigaha Real Madrid suuqa ay ka doon dooneyso.

Wargeyska The Bild ayaa ku waramaya in kooxda Real ay dalab dhan 45-milyan ay ka soo gudbisay daafacaan garabka bidix ka ciyaara.

David Alaba ayaa kooxdiisa Bayer Munich u saftay 333 kulan tan iyo markii uu ku soo biiray sanadkii 2010kii.